Gudniinka Gabdhaha 3: FIKRADDA MASIIXIYIINTA
Dhowr maalmood ka hor, 6-dii Febraayo 2018, ayaa Qaramada Midoobey xustay “Maalintii Cidhibtirka Gudniinka Dumarka.” Arrinta welwelka leh ee warbixintii ugu dambeysey lagu xusay waa in Soomaaliya (98%) iyo Jabuuti (93%) ay kaalinta 1-aad iyo ta 3-aad kaga jiraan waddamada ay gabdhaha iyo dumarka 15-49 sanno jirka ahi, khatarta ugu badan ugu jiraan gudniinka. Laba qoraal oo hore ayaanu kaga soo hadallay gudniinka dumarka iyo waxyeellooyinkiisa, haddana waxaynu eegeynaa waxa ay